Nidaamka internetka “Xulashada dugsiga” wuxuu furan yahay inta u dhaxaysa 8-ka iyo 21ka Janaayo 2024. Kani waa meesha aad ka diiwaan gelinayso dookhaaga dugsiga ilmahab bilaabaaya fasalka barbaarinta ama sanadka 7. Waxaad codsan kartaa boos aad ka helayso labadaba dugsiyada magaaladu maamusho iyo dugsiyada madaxa banaan. Waxaad dooran kartaa ltirada dugsiyada oo xad lahayn oo ku jira adeegga oonleenka ah.
Nidaamkeena oonleenka ah
Waxaad u baahan tahay aqoonsi elektaroonik ah si aad u awoodo inaad gasho barta. Haddii aadan haysan aqoonsi elektaroonig ah, waxaad booqan kartaa mid ka mid ah xafiisyada bulshada ee degaanka. Shaqaaluhu waxay kaa caawin karaan inaad diiwaan geliso dookhyadaada dugsiga. Waxaad u baahan doontaa inaad tusto dukumiinti aqoonsi oo sax ah.
Haddii ilmahaagu leeyahay laba waalid oo masuul ka ah, labadooduba waa inay haystaan khadka internetka. Hal masuul ayaa sheegaaya dookhyada halka kan kale uu aqbalaayo. Haddii aysan masuuliyiintu sidaas yeelin, codsiga lama ansixin doono.
Nidaamka boos bixinta dugsiga waxaa la dhamaystiri doonaa horraanta Maarso 2024. Masuuliyiintu waxay markaa gali karaan nidaamka internetka si ay u arkaan dugsiga ilmaha loo qoondeeyey. Warqad ayaa sidoo kale loo diri doonaa cinwaanka ilmaha ee diiwaangashan ee guriga si loogu sheego waalaidiinta go'aanka meelaynta dugsiga.
Xeerarka meelaynta
Dugsiyada madaxa banaan waxay leeyihiin xeerar u gaar ah. Fadlan booqo bogga internetka ee dugsi kasta si aad u akhrido sharciyadooda.
Mabda'a muhiimka ah ee dugsiyada maamulka magaladu waa in ilmaha laga diiwaan gasho dugsiga ay doortaan walidiinta ilmuhu. Magaaladu waxay isku dayi doontaa inay buuxiso dookhyada waalidiinta intii suurtogal ah. Haddii dugsigu helo codsiyo ka badan inta uu aqbali karo, carruurta ku nool meelaha dugsiga ugu dhow waa la siiyaa mudnaanta. Waxaad ka heli kartaa cajalad muuqal ah oo sharaxaya waxa loola jeedo “dhawaanshaha macquulka ah” boggayaga internetka, waxaad dooran kartaa qoraalka turjumaada muuqaalka oo ku baxaaya luqaddaada.
Haddii dadka mas'uulka jka ah ilmaha aysan awoodin inay ku heshiiyaan doorasho dugsi ama aysan ku sheegin wax doorasho ah oo ka mid ah adeegga elektarooniga ah, ilmaha waxaa laga diiwaan gelin doonaa dugsiga juquraafi ahaan ugu dhow cinwaanka guriga ee diiwaangashan ee ilmaha oo leh boosas bannaan.
Isla xeerarkaan ayaa qabanaaya haddii aysan macquul ahayn in ilmaha boos laga siiyo wax kamid ah dugsiyada loo dooray.
Xeerarka aqoonsiga iyo barnaamijyada takhasuska
Qaar ka mid ah dugsiyada magaaladu ay maamusho waxay leeyihiin barnaamijyo khaas ah iyo barnaamijyo takhasus ee ardayda sannadka 7. Barnaamijyadana waxaa lagusoo bandhigay webseedyada dugsiyada waxaana laga raadin karaan nidaamka oonleenka ah.
Labo dugsi oo kala ah Berzeliusskolan iyo Ånestadsskolan ayaa leh barnaamijyada taqasuska. Dugsiyada kale waxay leeyihiin bogaga aqoonsi gaar ah. Waxaad ka heli kartaa adeegga elektarooniga ah.
Ugu badnaan laba ka mid ah dookhyadaada oo ka mid ah wadarta guud oo ah todobo dookh ayaa noqon kra barnaamijyadan gaarka ah/barnaamijyada takhasuska leh. Haddii aad codsato in ka badan laba aqoonsi oo gaar ah/barnaamij takhasus leh, kaliya labada koowaad ayaa la tixgelin doonaa. Meelaynnada aqoonsiga gaar ah waxay ku salaysnaan doontaa natiijooyinka imtixaanka aqoonta.
Dugsiyada leh sanado 6, 7, 8 iyo 9
Ardaydu waxay xaq u leeyihiin inay waxbarashadooda ka sii wadaan isla dugsiga kadib sannadkooda lixaad haddii dugsigu baro sanadaha 7, 8 iyo 9, laakiin kaliya haddii aad samayso dookh furan oo ku jira adeegga elektarooniga ah.
Su'aalo
Haddii aad qabto wax su'aalo ah ama aad u baahan tahay caawimaad laga siiyo nidaamka oonleen-ka ah, fadlan la xiriir xafiiska bulshada ee degaankaaga.